Shir caalami ah oo ay qabatay hay’ada Qaramada Midoobay uqaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa lasheegayaa in uu fashil karaacay kooxda aan tayada lahayn ee TPLF oo kamid ahayd dadkii lagu casuumay shirka.

Shirkan oo ay hay’adu uqabatay wadamada Africa ayaa lagaga hadlayay arimaha qoxootiga Africa iyo sidii loogu heli lahaa xal waara oo lagu caawin karo dadka qoxootiga ah iyo wadamada ay ka qaxaanba.

Kooxdii matalaysay wadanka Itoobiya ayaa lasheegayaa in ay qaybtii hore ee shirka iskaga baxay xaruntii uu shirku kasocday kadib markii waftigii wadanka Eritrea ay soo jeediyeen khudbad cilmiyaysan oo ay kaga hadleen arimo badan oo qoxootiga iyo xalkiisa khuseeya.

Kooxdii kasocotay wadanka gumaysiga Itoobiya oo aan aqoon iyo waayo aragnimo toona ulahayn arimaha siyaasada iyo bini’aadam nimada ayaa u adkaysan wayday khudbada laga soo shaqeeyay ee xaqiiqda taabanaysa ee waftigii Eritrea ay soojeediyeen taas oo wufuudii kala duwanayd ee shirku ay udhagtaageen.

Ma aha markii ugu horaysay ee xukuumada wayaanuhu ay kabaxaan shirar waawayn oo caalamku uu fadhiyo, waxaana xasuusanahay shirar dhowr ah oo ay kabaxeen kadib markay kasoo qayb galeen dad dhaqankooda iyo xogtoodaba yaqaano, halkaas oo ay carar miciin bideen.

Shirarka ay kooxda TPLF kabaxday waxaa kamid ahaa shirkii caalamiga ahaa ee lagu marti qaaday hogaanka arimaha dibada JWXO iyo ururka OYSU ee kadhacayay magaalada Genava shirkaas oo kooxdu ay kabaxday kadib markay keeni waayeen dood udhiganta khudbadaha ay wufuuda JWXO soo jeedinayaan.

Sikastaba ha ahaatee dowladaha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa bartay tayo xumada kooxda TPLF iyo dulqaad xumada ay dalka kumaamulayaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay