Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay kubeegan tahay 26/6/17 waxaa magaalada Edinburgh ee Gobolka Scotland ee wadanka UK kafurmay shirwaynihii  Ururka UNPO oo ay kumidaysan yihiin in kabadan 50 wadan oo ah kuwa aan dowladaha lahayn.

Shirkan oo ah shir aad muhiim u ah ayaa socondoona mudo labo maalmood ah waxaana lagu dooran doonaa hogaankii ururka hagi lahaa labada sano ee soosocota hadii Alle idmo.

Shirkan waxaa shacabka lagumaysto ee Soomaalida Ogadenia uga qayb galay wafti uu hogaaminayo Mudane Cabdiraxmaan Sh mahdi (Maaday) oo ah madaxwayne kuxigeenka xiligan ee ururka UNPO ahna Hogaanka Arimaha Dibada Ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya.

Sidoo kale waxaa waftiga Shacabka Ogaadeniya uga qayb galaya shirka kamid ah Marwo Khaalisa Ugaas Mahad oo ah  Gudoomiye Ku/Xiggeenka Hogaanka Dhaqaalaha ee JWXO, waxayna labada mas’uul shirka kasoo jeedin doonaan khudbado taariikhi ah oo shacabka dulman ee Ogadenia wax ku ool u ah.

Wafuda Shirwaynahan ka soo qayb gashay ayaa lagu marti qaaday  Baarlamaanka Gobolka Scotland waxaana inta badan kulankan lagaga hadli doonaa arimo badan oo muhiim u ah shucuubta aan dowladaha lahayn ama lagumaysto.

Waxaa Baarlamaanka Gobolka Scotland  khudbad u jeedin doonta Marow Khaalisa Ugas Mahad haddii ebo idmo.

Ururka UNPO ayaa ah urur qadiyada Ogadenia iyo qadiyadaha kale ee la dhagro uqabta howlo muhiim ah isla markaana dunida umuujiya sida ay muhiim u tahay inla in ay qadiyadahaasu helaan cadaalad.

Wixii kulankan kasoo baxa kala soco ONA hadii Alle idmo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay