Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ay soosaartay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa lagu sheegay in caruur faro badan oo kudhaqan wadanka Ogadenia ay qarka usaaran yihiin macaluul iyo cuduro kufaafay wadanka.

Hay’ada MSF oo kadhaq dhaqaaqda Gobolka Doollo ee wadanka Ogadenia ayaa sheegtay in bishan aan kujiro ee June ay Gobolka Doollo kudhinteen 67 ciyaal ah oo ay haleeleen nafaqo daro iyo cuduro dilaa ah.

Haweenay u hadashay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in guud ahaan wadanka Ogadenia laga baqayo in ay kudhintaan ciyaal aad ubadan oo sida ay sheegtay la il daran nafaqo la’aan xoogan oo haysa iyo cuduro aan wax dawayn ah loohaynin oo wadanka kajira.

Sidoo kale haweenayda ayaa sheegtay in ay daryeel caafimaad ufidiyeen 320 ciyaal ah oo kusugan Gobolka Doollo, ayna doonayaan in ay goobo ciyaalka lagu caawiyo kasamaynayaan Gobolka Doollo sida Warhheer, Danood, Yucub, Lehelow iyo Galaadi, Sidoo kale haweenayda ayaa carab bowday in ay jecel yihiin in ay goobo ciyaalka lagu caawiyo kadhisaan Gobolada kale ee wadanka Ogadenia.

Sida aan lawada soconay cudurkii shuban biyoodka ee wadanka Ogadenia kadhacay ayaa dilay dad aad ubadan oo da’yar iyo waayeelba isugu jiray waxayna hay’ada MSF sheegtay in cudurku uu sooritay dad gaadhaya 1.7 milyan halka xarunta dhexe ee JWXO ay sheegtay tiro intaas aad uga badan in uu cudurku haleelay.

Cudurka ayaa halmaalin oo kali ah 92 qof kudilay Gobolka Doollo waxaana larumaysan yahay in uu cudurku dilay dad boqolaal ah oo aan helin wax daryeel caafimaad ah.

Dhinaca kale waxaa guud ahaan wadanka Itoobiya laxaqiijiyay in kabadan 8 milyan oo abaaruhu ay saameeyeen halka wadanka Ogadenia ay kubarakaceen 1 malyan iyo badh shacab ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay