Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in qoomiyadii Tigreegu ay ol ole xoogan ugu jirto sidii ay xulufo ugu heli lahayd mowjadaha siyaasadeed ee ku kacay.

Sida xogta aan kuhelayno qoomiyada tirada yar ee talada wadanka mudada rubuc qarniga ah haysatay ayaa usuxul duubaysa sidii ay u badbaadin lahaayeen jiritaanka qoomiyada oo aad looga baqayo kadib burburka lasaadaalinayo ee taliska wayaanaha.

Qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in ay aqoonyahan iyo odayaal badan udirtay Gobolka Axmaarada si ay hogaaminta qoomiyada Axmaarada uga dhaadhiciyaan in ay wax wada qabsadaan isla markaana ay is xulufaystaan.

Ergada kasocotay qoomiyada Tigreega ee cabashada waday ayaa dadka qoomiyada xabashida ku beerlaxawsaday in ay kasoo wada jeedaan Abasiiniya isla maraana ay muhiim tahay in ay is garabsadaan oo ay wada ilaashadaa dhalashadooda iyo abasiiniya nimadooda.

Sidoo kale odayaasha Tigreega ayaa dhigooda Axmaarada usheegay in ay talada wadanka wada qaysadaan oo ay wada gumaystaan qoomiyadaha kale ee wadanka kuwaas oo sida ay sheegeen ah dad shisheeye ah.

Hase yeeshee odayaashii iyo aqoonyahankii qoomiyada Axmaarada matalayay ayaa siwayn uga soo horjeedsaday soojeedinta ergada Tigreega, waxayna kutilmaameen wax lagu qoslo.

Ergada qoomiyada Axmaarada ayaa kuwa Tigreega si cad ugu sheegay in ay doonayaan cadaalad iyo sinaan iyo in ay umad kasta umadax banaanaato aaya katashigeeda isla markaana aysan xulufo la ahayn rajiimka hada wadanka maamula.

Qoomiyada Tigreega ayaa umuuqata haad geed waayay waxayna qoomiyadu raadinaysaa cimridheerar iyagoo wax naf baxaysa u eg xal uraadinaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay