Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa si ku meel gaadh ah u fasaxday in la dhaqan galiyo qeyb ka mid ah go’aankii xayiraada socdaalka ee Trump uu ansixiyay dhawaan inta ay maxkamaddu ka baaraandagayso sharci ahaanshaha amarkaasi.

Amarkaasi ayaa ka mamnuucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto in ay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaadh ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 120 maalmood ah.

Amarkan ayaa waxaa horay u diiday maxkamadaha hoose ee Mareykanka, taasoo ku qaaday in Aqalka Cad uu racfaan ka qaato. Haseyeeshee Maxkamadda ugu saraysa ayaa amarkan sheegtay in uusan saamayn doonin ajaanibta dalalkaasi u dhashay ee ”xidhiidh macquulka ah” la leh Mareykanka, sida shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda oo ku nool Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa amarkan ku tilmaamay guul cad, wuxuuna ku doodayaa in xayiraada ay ka difaaci doonto Mareykanka khatarta uga imaanaysa dalalkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay e.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay