7 guuradii Midawga dhalinyarada iyo ardayda Ogaadeeniya (OYSU)

Ururka dhalinyarada ee OYSU oo ah urur caan ah kana hawlgala dhamaan dunida dacaleeda meel kasta oo bulshada Soomaaliyeed ku dhaqantahay, isla markaana matala shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeeniya ayaa maanta 7da jirsaday.

Wixii ka horeeyay 2010 ka waxaa daafaha aduunka ku firirsanaa dhaliyarada Soomaalida Ogaadeeniya kuwaas oo isku xidhan meel kasta oy joogaan. Waxayna samaysteen ururo laysku baro dhalinta iyo maadooyin keeni kara in laysku xidhnaado

Dhamaan dhalinyaradu waxay lahaayeen hal ujeedo oo ay ka midays naayeen balse waxay wateen magacyo kala duwan sida OSF, OSF-SA, OYN, ONA, SOYA IYO MAGACYO KALE.

Hadaba markii la ogaaday faa-iidada iyo waxtarka ay leeyihiin dhalinyaradu ayaa la gartay in loobaahan yahay hal magac oo mideeya ururo badan oo isku ujeedo ah dhamaantoodna garabtaagan Shacabkooda iyo qadiyadooda gobanimo doonka ah. Waxaana la asteeyay sidii ugu haboonayd ee lagu heli lahaa. Arintaas oo gudiyo iyo shirar badan laga yeeshay waxaa qabsoomay shirwayne kadhacay qaarada yurub kaas oo lagu dhisay ururka OYSU 27-06-2010 halkaas oo lagu dajiyay nidaam iyo qorshe laguna doortay maamul haga oo uu hogaanka u hayo Mudane Mujaahid Sheekh Ibraahim

Halkaas waxaa ka dhaqaaqay misaankii iyo xoogii ururka dhinyarada waxayna soo bandhigeen awood iyo cudud muujisay wax qabadkoodi waxayna kasoo dhalaaleen aduunka mudo yar gudaheed.

Dhaqanka iyo hidaha, taariikhda iyo sooyaalka, gudbinta dhacdooyinka isdaba jooga ah ee gudaha wadanka Ogaadeeniya iyo muruq, maal iyo maskaxba waxay noqdeen kuwo waax muhiim ah ka noqda raadinta xaqa shacabka muujiyayna jiritaanka Soomaalida Ogaadeeniya.

Mudo sadex sano kadib ah waxaa Shirwaynihii ururka lagu qabtay dalka Maraykanka halkaas oo lagu qiimeeyay ururka mudadii uu jiray waxaana la gaadhay guulo lagu taamo waxaana dhacday doorashadii 2 aad ee ururka markale ayaa la doortay mudane Mujaahid Sheekh, balse mudo yar kadin waxaa hogaanka sare qabtay Mudane Jamaal xukun

Sidoo kale 3 sano kadib waxaa shirwaynihii 3aad lagu qabtay qaarada Yurub waxaana ladhisay maamulka hada jira ee uu hogaanka ka yahay mudane Shilaabo Sheekh Cabdi maamulka oo kaga duwan kuwii kale mudada oo kayar sidii hore ahna 2 sano

Mudadii uu ururku jiray wuxuu qabtay waxyaabo waawayn oo la taaban karo dhinaca xuquuqul insaanka iyo dhaqanka sidoo kale isku xidhka dhalinta wuxuuna tafaha ku jiiray dhamaan dhalinyaradii Soomaaliyeed wuxuuna noqday ururka ugu caansan ee dhalinyaro Soomaaliyeed leedahay ee jira

Ugu danbayntii. Maamulka ururka ee hada jira wuxuu ugu baaqayaa dhamaan dhalinyarada Soomaalida Ogaadeeniya inay ka qayb qaataan hawlaha ururka fuliyaana qorshayaashiisa sidoo kale dhalinyarada Soomaaliyeed inay kusoo biiraan urukan oo u taaga jiritaanka iyo difaaca Soomaalinimada dad iyo dalba
Talo saaro Alle kutasho Maalkaaga maskaxdaada iyo Muruqaada.

By Maamulka OYSU 2016-2018

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay