Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa sheegtay mar ay saxaafada waraysi siisay inay dooneyso in saddex milyan iyo badh muwaadiniin ah oo ka soo jeeda waddamada Midowga Yurub (EU) ee ku nool dalka Britain ay sii joogi karaan, ka dib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Mrs. May ayaa sheegtay inay yeelan doonaan muwaadiniinta ree Yurub xuquuqo lamid ah kuwa ay muwaadiniinta u dhashay dalka Britain u leeyihiin caafimaadka, waxbarashada, dar-yeelka bulshada, faa`iidooyinka dhaqaale iyo lacagaha dadka howlgabka noqda lagu caawiyo.

Dowladda ayaa sameyn doonta wax waliba oo ay awooddo si ay u fududeyso hannaanka u damaanad qaadaya xaqa ay u leeyihiin muwaadiniintan inay sii joogaan Midowga Yurub kuwaas oo Britain ku noolaa muddo shan sano ah.

Madaxa midowga Yurub (EU) u qaabilsan wadaxaajoodka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, Michel Barnier, ayaa sheegay in ujeeddadiisa ku aaddan xuquuqda muwaadiniinta ay ahayd in lagu guuleysto dhowrid lamid ah tan sharciga Midowga Yurub uu dhigayo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay