Xaflad Balaadhan oo Lagu xusaayay Sanad guuradii Kasoo Wareegtay OYSU oo Lagu Qabtay Yamen.

Waxa maanta si wayn looga xusay xuskii sanad guuradii 7 aad ee ka soo  wareegtay aasaaskii Ururka Dhalinyarad iyo Ardayda Soomaalida Ogaadeniya (OYSU) faraciisa dalka Yemen ee magaalada Sanca.

Xafladan ayaa waxay bilaabatay maanta oo Talaado ah 2:30 duhurnimo waxayna soo gaba gabow day saacadu markay ahayd 6:00 maqribnimo.

Xafladan ayaa waxa lagu fur furay aayadah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana soo jeediyay fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdullahi  Maxamed.

Waxaa Xaflada furay qudbad aad u dheer oo dhaxal gal ahnaka jeediyay xoghayaha OYSU ee faraca Wadanka Yemen  halgame Maxamed Cabdullahi Cabdi  oo halkaasi ku so bandhigay taariikhda ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya (OYSU) wuxuuna kula dar daarmay dhamaanba xubnaha JWXO ee ka so qayb galay xafladan inay garab istaagay halganka xaqa ah ee ay JWXO hormuudka u tahay.

Waxaa kale oo madasha ka hadlay xubno aad u badan oo masuuliyiinta jaaliyada Yemen ka  tirsan, waxayna dhamantooba ka wadahadleen halganka dheer iyo baadi goobka loogu jiro xoriyada inay lama taab taan tahay loona baahan yabay in lasii laban laabo.

Waxaan meesha ka maqnayn oo wacdaro ka dhigay kooxda Horsed Qaran Xidigaha Fanka Ogaadeniya oo ka tirsan HWF JWXO ee dalka Yamen oo madasha xaflada ka soo jeediyay sugan halgamed aad u qiiro galisay dhamanba bulsha wayntii Soomaalida Ogaadeniya iyo bulshadii Soomaaliyeed ee ka so qayb gashay xafladan.

Waxaa kale oo Shahaado Sharaf la gudoon siiyay qaar badan oo kamid ahaa xubnihii mutaystay Shahaado sharafta ee dadaalka bixiyay.

Sikastab ha ahaatee xafladan ayaa waxay ku so dhamatay farxad iyo jawi dagan.

Mintid midnimo iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/Laila-OYSU Yamen

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay