Warbixin ay soosaareen khuburo dhinaca dhaqaalaha iyo bangiyada ah oo baadhitaan kusameeyay dhaqaalaha wadanka Itoobiya ayaa sheegay in Hailemariam Disaleng uu yahay shakhsiga ugu musuq maasuqa badan guud ahaan saraakiisha wayaanaha mudadii uu Raysal-wasaaraha wadanka ahaa.

Sida ay khuburadu sheegeen Desaleng ayaa Gobolka uu kasoo jeedo ee shucuubta koonfureed oo kaliya kalunsaday 120 Milyan oo ay ahayd in lagu hormariyo Gobolka shucuubta koonfureed oo kamid ah Gobolada ugu dib dhacsan guud ahaa wadanka gumaysiga Itoobiya.

Sida warbixinta lagu xusay waxaa Hailemariam lunsashada hantida umada ufududeeyay Shifarow Shigute oo ah madaxwayne kusheegii hore ee Gobolka Shucuubta Koonfureed kaas oo hada uu Desaleng umagacaabay gudoomiyaha ururka hormarinta Itoobiya.

Warbixinta ayaa lagu xusuy in Desaleng iyo Shifarow ay dhinaca canshuuraha jaadka oo kaliya kasoo gasho 150 kun oo bir taas oo ah awood uu Desaleng siiyay ninka ay saaxiibaha iyo qaraabadaba yihiin ee Shifarow Shigute.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu cadeeyay in hanti aad ubadan ay Desaleng utaalo dibada taas oo kuqoran magaca Shifarow Shigute taas oo sida lasheegay malaayiin doller gaadhaysa oo shacabka laga dhacay.

Labadan shakhsi ee hantida umada in ay lunsadeen lagu eedeeyay ayaa kasoo wada jeeda Gobolka Shucuubta Koonfureed waxayna jaajuus nimada kasoo wada bilaabeen isla Gobolkaas iyagoo ugu dambays fursad u helay in ay talada wadanka gacanta kudhigaan iyaga iyo saraakiil kooban oo qoomiyada Tigreega udhashay.

Dhinaca kale musuq maasuqa ayaa ah mid guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya kufiday, waxaana lasheegayaa in khuburadii dhinaca dhaqaalaha ee warbixinta soosaartay iyo xisaabiye yaashii bangiga dhexe looga yeedhay magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigree halkaas oo ay kala kulmeen hanjabaad iyo caga juglayn waxaana loosheegay in warbixin kale oo dhinaca dhaqaalaha laxidhiidha aysan soosaari karin.

Saraakiisha wayaanaha iyo xubnaha ugu sareeya kooxda TPLF ayaa simuuqata umusuqa hantida wadanka haday tahay mid gudaha laga soosaaray sida canshuuraha oo kale iyo haday noqoto mid loogu deeqay wuxuuna wadanku gaadhay meel aan xal lahayn marka dhinaca dhaqaalaha laga eego.

Sida intiinii ONA kuxidhnayd aan usoo bandhignay haweenaydii KT Malis Zinawi uu kabakhtiyay Azeb Masfin ayaa noqotay shakhsiga ugu taajirsan guud ahaa wadanka gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay