Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo beeralayda kudhaqan Gobolka Axmaarada.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markay kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda talada guracan ee TPLF jidka ugaleen baabuur kolonyo ah oo ay wateen ciidamada gumaysiga oo kusii jeeday dhinaca magaalada Gonder.

Ciidanka wax iska caabinta ee beeralayda Axmaarada ayaa lasheegayaa in ay gubeen 3 baabuur oo kuwa Uuraalka looyaqaano ah halkaas oo ciidankii saaraana ay kuhalaagsameen.

Warka ayaa intaas kudaraya in dagaal fool kafool ah oo dhex maray ciidankii kale ee wayaanaha iyo ciidankii beeralayda Axmaarada halkaas oo sida lasoo warinayo ay ciidanka gumaysigu guul daro wayn kala kulmeen kuna waayeen saraakiil iyo ciidan kale oo badan.

Afhayeen u hadlay ciidamada beeralayda Axmaarada ayaa sheegay in ay furteen hub aad ubadan iyo isgaadhsiinta ay ciidamadu isticmaalaan iyo waliba raashin ay wateen ciidanka gumaysigu.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamadii wayaanaha ee dagaalku qabsaday ayaa dalbaday gurmad ciidan kaas oo taliskii wayaanuhu uu udiray diyaaradaha qumaatiga ukaca si ay ciidan halkaas ugeeyaan isagoo kabaqay in uu ciidan dhulka mariyo.

Sikastaba ha ahaatee waxaa guud ahaan ciidamada wayaanaha soo wajahay niyad jab iyo shaki aad ubadan kadib markay kufashilmeen guud ahaan dagaalidii socday isla markaana ay waayeen xuquuqdii ciidan nimo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay