Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa qaaday daggaalo habeenimo kuwaas oo ay cadowga gaadhsiisay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Daggaaladan ayaa kakala dhacay Deegaamo ka tirsan Ogadeniya taariikhdu markay aheyd 15- 17 Bishan January 2012.

Waxayna u kala dhaceen sidan

15/1/2012  dagaal ka dhacay Qudhacraamaale oo ka tirsan degmada Aware waxaa cadawga lagaga dilay  4 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale ,sidoo kale dagaalka dhacay  meesha loo yaqaan Tabaro oo ka tirsan Qabribayax waxaay cadawga lagaga dilay 1 askari,isla taariikhdaa dagaal ka dhacay  Dhulabo oo ka tirsan Qabribayax waxaa cadawga lagaga dilay  hal askari oo kale

17/1/2012  dagaal ka dhacay Garbaxaare  oo ka tirsan  Qabribayax waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay hal askari

Waxaa kale oo jira dagaalo mir  ah oo ka dhacay  deegaanada kala ah  Naasahablood, Bukudhawa,iyo Golcaanood,oo kawada tirsan gobolka Jarara,  iyo Xamaro iyo Dhuxun oo ka tirsan gobolka Nogbeed.  Dagaaladan habeenimo  ayaa waxa cadawga ka soo gaadhay  khasaare haseyeeshee  aanay sahlanayn in xog  laga helo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay