Wararka naga soo gaadhaya wadanka aan cadaalada iyo hormarka laga ogolayn ee Itoobiya ayaa sheegay in taliska wayaanuhu albaabada isugu dhuftay in kabadan 1000 urur oo arimaha bulshada kashaqayn jiray.

Sida xogta aan kuhelay taliska wayaanaha ayaa ogolaanshihii ay kushaqayn jireen kala laabtay ururo aad ubadan oo kashaqayn jiray waxyaabo kala duwan sida waxbarasha, caafimaadka, cunooyinka, biyaha iyo adeegyo badan oo dhinaca bulshada ah.

Xukuumada wayaanaha ayaa sanadkii 2009 soosaartay sharci ay ururada arimaha bulshada kaga mabnuucayso joogitaanka iyo wax kaqabadka wadanka gumaysiga Itoobiya waxayna wayaanuhu xiligaas ogolaanshihii kala noqdeen ururo aad ubadan oo caawin jiray shucuubta lagu gumaysto Itoobiya.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa xabsiga dhigay qaar kamid ah madaxdii ururada bulshada ee shatigii lagala noqday halka qaar kale oo badana lagu amray in ay wadanka dag dag uga baxaan, hadii kale ay lakulmi doonaan iqaab adag.

Go’aankan kasoo baxay xukuumada wayaanaha ayaan wax saamayn ah kuyeelan doonin ururada kumagacaaban arimaha bulshada ee u adeega gumaysiga kuwaas oo dhibaatooyin jaajuus nimo ah ugaysta dadka shacabka ah iyagoo ku howl galaya magaca hay’ad iyo wax lamid ah.

Ururada bulshada ee caalamka ayaa cambaarayn usoo jeediyay habka uu taliska wayaanuhu wax umaamulay iyo guud ahaan cunoqabataynta lasaaray shacabka dulman ee kudhaqan wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Arintan ayaa katurjumaysa dhaqanka uu gumaysigu leeyahay iyo axmuq nimada taliska wayaanaha, waxayna arintu muujinaysaa dhibka haysta shacabka dulman ee Itoobiya kusugan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay