Dad gaadhaya 57 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka la beegsadeen mid kamid ah xabsiyada ay leedahay kooxda Daacish dalka Suuriya.

Duqeyntan ayaa Isniintii ka dhacday magaalada Al-Mayadeen ee gobalka Deyrul Suur ee Bariga dalkaasi Suuriya. Waxaana hada soo shaac baxaysa in dadka halkaasi ku dhintay ay u badnaayeen dad shacab ah oo u xidhnaa koox xagjirka ah ee Daacish.

Maraykanka ayaa shalay horey u xaqiijiyey inay duqeyn la beegsadeen magaalada Al-Mayadeen oo ay Daacish gacanta ku hayso balse maysan sheegin inay duqeeyeen xarun xabsi u ahayd kooxdaasi. Wararka kasoo baxaya dalka Suuriya ayaa sheegay in duqeyntaasi dadka ku dhintay ay u badnaayeen shacabkii goobtaasi ku xidhnaa iyo kuwo ka ag dhawaa goobta la duqeeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay