Ciidanka Turkiga ayaa sheegay in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayagoo uga aargoosanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya. Bayaan kasoo baxay ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in isku dhacyadu ay ka dhaceen deegaanka Afrin.

Kooxda Kurdish-ka ee YPG ayaa qeyb ka ah mucaaradka Mareykanka uu taageero ee Suuriya ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, islamarkaana doonaya inay ka saaraan magaalada Raqqa ee caasimadda u ah kooxdaas.

Si kastaba, Turkiga ayaa aad uga soo horjeeda kooxdan oo ay u arkaan inay xidhiidh la leedahay kooxda PKK ee dagaalka ka waday koonfurta Bari ee Turkiga, tan iyo sanaddii 1980-kii. Xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa lagu wadaa inuu dhiggiisa Turkiga kula kulmo magaalada Brussels oo shirka NATO uu ka dhacayo, halkaasi oo la filayo inay uga hadlaan xiisadda gobolka ka taagan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay