Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska siyaasada kusaaqiday ee wayaanuhu uu maaro uwaayay mowjadihii siyaasada ee kacay mudo hada laga joogo 2 sano iyo dheeraad.

Sida aan xogta kuhelayno taliska wayaanaha oo iskudayo badan sameeyay si uu ujoojiyo kacdoonka shacabka ee lagu diidan yahay kooxda TPLF iyo qoomiyada Tigreega oo isu malaysay in ay iyadu samaysatay dadka iyo dalka Itoobiya loo yaqaano.

Iskudayadii taliska wayaanaha waxaa kamid ahaa in uu dhalinta ku hunguri galiyo lacag iyo deeq waxbarasho oo dibada ah iyo in uu shacabka qoomiyad qoomiyad isaga horkeeno si uu uhelo jaanis ama fursad uu wakhtiga kusii dheeraysta.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa isku dayay in uu xoog kumuquuniyo shacabka kacdoonka wada iyo in uu dil jidh-dil xidhay iyo hanjabaad ugaysto shacabka si uu cabsi ugu beero waxayna iskudayadaas dhamaantood noqdeen kuwo uu wayaanuhu kufashilmay.

Taliska wayaanaha ayaa hada bilaabay in uu naqshada ubadalo sikale wuxuuna sheegay in qoomiyada Oromada loogacan galin doono magaalada Addis Ababa isla markaana qoonde muuqda ay qoomiyadu kuyeelan doonto magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa sheegay in luuqada labaad ee magaalada Addis Ababa lagaga hadli doono ay tahay Afka Oromada, sidoo kale taliska wayaanaha ayaa kurajo wayn in ay wax kabadalaan qaab qoraalka luuqada Oromada taas oo dhalisay kacdoon hor leh iyo buuq.

Guntii iyo gunaanadkii taliska wayaanaha oo kuwada fashilmay dhamaan iskudayadii hore ayaa loobadinayaa in isku daygan cusub uu yahay mid aan midho dhal ahayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay