Warar dhiilo ah oo naga soo gaadhaya gudaha Ogadenya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay indhaha kasoo tuureen wiil kamida dhalinyarada Ogadenya kadib markii asaga iyo dhalinyaro kale oo badan ay xabsiga u taxaaneen una gaysteen jidhdil xoog badan dhalinyarada kale ayaa ayagana qaar kamida waxaa ja jabay lafaha.

Taariikhdu markay ku beegnayd 21/06/2017 ayaa waxaa dhalinyaradan laga qabtay tuulada lagu magacaabo Laasdharkayle oo ka tirsan gobolka Qorahay, wiilkan indhaha laga tuuray ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay Cabdulaahi Aw Muxumed halka dhalinyarada kale aanaan wali helin magacyadooda.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sii laban laabeen tacadiga iyo dhibaatada ay ku hayaan shacabka Ogadenya waxaa maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa xaalada nololeed ee shacabka Ogadenya ku sugan yahay.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee gumaysigu beegsado dhalinyarada Ogadenya waxaa ayagana sidoo kale xabsi iyo jidhdil la isugu diray qaar kamida dhalinyarada Ogadenya ee ku sugan magaalada Birqod ee gobolka jarar waxaana kamida kuwa aan helay magac yadooda, Xaaji Maxamed Macalin Cabdi oo ahaa nin Doctor ah, Nuur Cabdi Nabad, iyo Mohamed Cabdi dhamaan dhalin yaradan waxaa loo gaystay jidh dil aad u daran waxay ku xidhan yihiin xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya ku lee yihiin magaalada Birqod ee Gobolka Jarar.

Ciidankan bahaloobay ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxay beegsi badan ku hayan da yarta Ogadenya.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siindoona

ONA/Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay