Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya aar goosi baahsan oo ciidanka gumaysigu ay kuhayaan dadka shacabka ah ee kudhaqan guud ahaan Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa soorogay qorshe ay dhibaato ugu gaysanayaan qaysaska ay wiilashoodu raaciin ciidamada Jabhada Gimbot 7 ee kadagaalanta dhulka Axmaarada.

Ciidanka wayaanaha ee kahowl gala dhulka Axmaarada ayaa lasheegayaa in ay burburiyeen guryo aad ubadan oo ay lahaayeen qaraabada wiilal kubiiray jabhada iyagoo sidoo kalana dhacay hanti kale oo nool iyo moodba ah.

Dhalinyaro aad ubadan oo qorshahan cusub ka xanaaqday ayaa lasheegayaa in ay raaceen ciidamada jabhada Gimbot 7 kuwaas oo sheegay in wax kasta oo ladhoco ama la burburiyo aysan katanaasulaynin xaqa ay uleeyihiin aayo katashigooda.

Ma aha markii ugu horaysy ee taliska wayaanuhu uu falkan kudhaqaaqay wuxuuna 25tii sano ee udambaysay wadanka Ogadenia kawaday aar goosasho noocan oo kale ah isagoo lawareegayay intada wiilka ciidanka JWXO raaca waalidkii uuleeyahay.

Qorshahan oo ah mid taliska wayaanuhu uu mudo dheer shacabka ku cadaadinayay wadanka Ogadenia ayaa fashilmay wuxuuna mar labaad kufiirinayaa Gobolka Xabashida iyo qoomiyada kacdoonka wada ee Axmaarada.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaa qorshahan uga dan leh cimri dheeraysi iyo in uu cabsi galiyo shacabka waxaase lasaadaalinayaa in uu qorshahan fashilmi doono madixiisiina uuba fashilmay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay