Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee  loo yaqaano Food and Agriculture Organization (FAO) ayay ku sheegtay in qaybo ka mid ah wadanka Soomaaliya ay wali ka jirto abaar taas oo loo sababeeyay roobabkii gu’ga oo yaraaday qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

FAO waxay sheegtay in dadka ku nool dhulka miyiga ah ay yihiin kuwa ugu daran oo biyo la’aantu ay heysato marka loo eego dadka magaalooyinka ku dhaqan. Si looga gudbo xaaladaha abaaraha ee ku soo noqnoqonaya Soomaaliya, FAO waxay ku talisay in  loo baahan yahay in la sameeyo qorshe waqti dheer qaadanaya oo lagu hirgelinayo mashaariic abaarta looga hortagi karo.

Roobabkii gu’ga ayaa hey’addu waxaa ay sheegtay in deegaanada Somaliland iyo Puntland roob wanaagsan oo ku filan uu ka da’ay halka gobolada koofureed aysan helin roobabkii gu’ga xiligii larabay. FAO ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in dhammaadka sanadkan 2017 ay suurtagal tahay in cilmilada EL NINO laga dareemo Soomaaliya, taas oo keeni karta in xilliga dayrta roobab wanaagsan ka da’aan Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay