Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay (QM) Nikki Haley ayaa ku dhawaaqday in 50% ay dhimeen misaaniyadii ay ku kabi jireen howlgalada nabad ilaalinta ee  QM aduunka ka wadaan.

Nikki Haley, waxay sheegtay in dadaal badan kadib, guddiga misaaniyadda ee QM ay dhimaan oo ka jareen misaaniyadda lagu bixiyo howgalada Nabad ilaalinta 500 Milyan oo dallar, taasi oo ku khasbaysa QM in dib u habayn ku samayso howlaha ay qabato,

Dowladda Maraykanku waxay safka hore kaga jiraan wadamada misaaniyadda ugu badan ku bixiya  howlgalada nabad ilaalinta ee QM ka wadaan wadamo badan oo aduunka ku yaala oo ay ka mid yihiin Wadanka Congo, Koonfurta Sudaan iyo wadamo kale.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay