Sida aan todobaadkii tagay idiin soo gudbinay taliska wayaanaha ayaa Gobolka Axmaarada kudaabulay ciidamo aad ubadan oo uu ugu tala galay in ay hubka kadhigaan shacabka Axmaarada oo kacdoon xoogan kaga soo horjeeda taliska wayaanaha iyo huubada lasocota.

Sida aan kuhelay war rasmi ah oo aan kahelayno Gobolka Axmaarada ciidamadii Gobolka Axmaarada loogeeyay in ay xasilooni kadhaliyaan ayaa bilaabay in ay baxsadaan ama ay dalbadaan in meel kale loobadalo, arinta ayaa lasheegayaa in ay timid kadib markay ciidanka wayaanuhu ku dhex noolaan waayeen shacabka Axmaarada oo u qaybsan mid dagaalamaya iyo mid wajiga ubadalaya ciidanka gumaysiga.

Sida ay tabinayso warbaahinta Gobolka Axmaarada shacabka beeralayda ah ee kudhaqan magaalada Wagara ee Gobolka Gojam ayaa dilay 7 askari oo wayaane ah kadib markay weerareen 10 askari oo sahan ahaan usocday, kuwaas oo doonayay in ay soo ogaadaan dhaq dhaqaaqa deegaanka.

Sidoo kale ciidanka beeralayda Axmaarada ayaa dhaawacay 3 dii soo hadhay kuwaas oo sida lasheegay ku dhuuntay meel howd ah, dhaawaca sadexda askari ayaa lasheegayaa in lagu dabiibayo xero ciidan oo kutaala Gobolka Gojam.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidankii beeralayda Axmaaradu meesha iskaga baxeen kadib markay ciidanka wayaanuhu keeneen ciidan aad ubadan oo kuwa gumaysiga ah.

Dhinaca kale Genaral Weldu Maka’il oo mudo bilo ah kahor laga badalay ciidamada Agaazi ga looyaqaano ee kacdoonada loosameeyay, kaas oo sida lasheegay lagu wareejiyay nin Genaral ah oo u dhashay qoomiyada Oromada taas oo aan midho dhalin kadib markii ninkii jagadan loomagacaabay uu kacaga jiiday qabashada booskan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay