Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in wafti ay dirtay xukuumada wayaanuhu ay magan galiyo siyaasadeed waydiisteen wadamadii loodiray in ay shaqo kasoo qabtaan.

Sida xogta aan kuhelayno wasaarada ganacsiga ee gumaysiga Itoobiya ayaa wafti heersare ah udiray wadanka Romania si ay dowlada wadankaas ula soogalaan heshiisyo dhinaca ganacsiga ah.

Waftigan oo 7 xubnood kakoobnaa ayaa lasheegayaa in ay go’aan sadeen in ay iska dhiibaan wadamada Yurub si ay uhelaan nolol iyo cadaalad kabadan mida ay Itoobiya kuhaystaan, waxaana laga soo qabtay xuduuda wadanka Romania iyagoo kusii jeeda wadanka Germany.

Arintan oo ceeb wayn iyo waji gabaxba ku ah xukuumada wayaanaha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay labada wadan ee Romania iyo Itoobiya, khilaafkaas oo lasheegayo in uu gaadhay meel sare. Saraakiishan kabaxsatay wadanka ay cadaalad daradu kajirto ee Itoobiya ayaa iska dhiibay isla wadankii ay joogeen ee Romania halkaas oo ilaa iyo hada ay kusugan yihiin.

Sida aan lawada socono waxaa sanadkii ugu dambeeyay oo kaliya taliska wayaanaha ka baxsaday dad aad ubadan oo isugu jira saraakiil ciidan, ganacsato, ciyaaryahano, duuliye yaal, ganacsato iyo saraakiil dhinaca siyaasada ah, kuwaas oo dhamaantood iska dhiibay wadamadii ay fursada uheleen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay