Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiligan dalalka caalamka u soo jeedsadeen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaa inay taageeraan.

Mr. Khayre ayaa sheegaya in dalku uu ku soo jiray mudo dheer oo burbur iyo dagaalo sokeeye ah, balse wixii xiligan ka danbeeya loo baahan yahay in loo soo jeesto dib-u-dhiska dalka iyo sidii horey loogu wada socon lahaa.

Waxaa uu intaa ku darray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay u istaagaan siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama beesha caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in isaga, madaxweynaha iyo xubnaha kale ee dowladda in ay u istaageen siddii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran. Hadalka ayuu ra’iisal wasaaraha ka sheegay kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho uu kula yeeshay wasiirka arimaha dibada ee dalka Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay