Haweeneyda Hogaamisa Xisbiga Midig ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baadhitaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Ms. Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.
Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.

Dembi baarayaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms. Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay. Dacwaddan ayaa ku salaysan eedeyn ay soo jeediyeen baadhayaasha baarlamaanka Yurub, kuwaasoo sheegay in Ms Le Pen iyo xisbigeeda National Front lasiiyay malaayiin Euro si ay ugu qortaan kaaliyayaal ka caawiya howlaha baarlamaankaasi, balse lacagtaasi ay u adeegsatay in ay ku bixiso mushaaraadka madaxa shaqaalaheeda iyo ilaaladeeda gaarka ah.

Sidoo kale 17 kamid ah xubnaha uu xisbigaasi ku leeyahay baarlamaanka Yurub ayaa iyagana waxaa ku socda baadhitaan ah in ay lunsadeen 5 milyan oo euro. Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baadhitaanka uu yahay mid ay siyaasadaysan. Waxay intaa ku dartay in ay iska difaaci doonto dacwad kasta oo lagu soo oogo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay