Maanta waxaa shir isugu yimid xubnaha xarunta JOKA kaas oo ka dhacay xafiiska magaalada Pretoria. Shirkan wuxu ahaa shirkii caadiga ahaa ee gudiga iyo xubnaha ku kala warqaadan jireen waxaana bilaabay Gudoonka Jaaliyadda kuna soo dhaweeyay Al- sheekh Ahmed Cabdi  oo wacdi qiima badan kasoo jeediyay madasha.

Waxaa horey loogu sii socoday qodobadii shirka  ee kale waxaana warbixin waafi ah oo dhincyo badan taabaynaysa kana waramaysa xaalada wadanka Ogaadeenya xaga cimilada, dhaqalaha, Halganka iyo waliba siyaasada guud  soo jeediyay Gudoonka Jaaliyadda mudane Maxamed Daahir oo ku booriyay xubnaha dhamaadkii warbixinta in isbadalka maanta socda u yahay kii ummadda Soomaalida Ogadeenya guusheeda ay ku hanan lahayd, loona baahan yahay si ay door muhiim ah uga ciyaari lahayeen.

Waxaa sidoo kale goobta Gubaabo iyo qabay Qiimo badan kasoo jeediyay Hogaan Arimaha Abaabulka ee Jaaliyadda JOKA.  Mudane Khadar Colaaad, barnaamijka dhamaad kisiii waxaa hadal qiiro badan goobta kasoo jeediyay qaar kamid ah xubnaha jaaliyadda kuwaas oo wacad ku maray in hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin halganka lagu xoraynayo wadanka Ogadeenya.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul aha waxaana lagu balamay in lasii laban laabo halganka Ogadenya.

ONA/Joka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay