Waxaa Safar shaqo ku tagay  Gobolka Eastern Cape Gudoomiyahaa Jaaliyada Ogadenya ee Wadanka Koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir iyo wafti uu hogaaminayo waxana Safarkiisa ku weheliyay Mudane Cabdirashiid Cabdisamad (Goljano) oo ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee JWXO.

Waxaa waftiga si diiran u soo  dhaweeyay gudiga Jaaliyada faraca Port Elizabeth  oo uu horkacayo Mudane Cabdi taajir, kadib markii gudiga la soo  galbay waxaa la kenay Xafiiska Jaaliyadda oo kuyaal Uitenhage halkaas oo ay kulan kula qaateen xubnaha iyo gudiga jaaliyada ee faraca Port Elizabeth, Waxaa warbixin siiyay gudiga iyo xubnaha wafdigii ugana waramay safarkooda shaqo iyo wax uu ku saabsanyahay.

Waftiga iyo gudiga faracu waxay maalmaha inagu soo food leh ay bilaabi doona howlihii shaqo ee ay u yimaadeen Eastern Cape .

Ugu danbeeytii   Waftigu ayaa u mahad celinayay dhamanba maamulka iyo xubnaha faraca sidii diranayd ee loogu soo dhaweeyay Garoonka iyo xafiiska Jaaliyadda.

ONA/Koonfur  Afrika.

   

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay