Wararka haatan naga soo gaadhaya gudaha Ogadenya gaar ahaan xarunta gobolka Jarar  ee magaalada Dhagaxbuur ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay wiil shacab ah gaadhi si u kas u dul mariyeen.

wiilkan ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay, Bashiir Ibraahim wuxuuna kamid ahaan dhalinyarada tuulada wiilkan ayaa wuxuu ku sugan yahay xaalada aad u daran waxaana soo gaadhay dhaawac aad u daran oo halis ah.

Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in loo diiday in loo qaado dhankaas iyo magaalada Dhagaxbuur  si loogu daweeyo,ma cada sababta dhabta ah ee wiilka gaadhiga loo jiidhsiiyay balse wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ay is af dhaafeen mid kamida ciidamada nacab ka ah ee gumaysiga Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee tacadiyada kala duwan ee ciidanka wayaanuhu ku hayaan shacabka Ogadenya ayaa maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu shacabka Ogadenya ka dul qaado dhibaatada haysata.

ONA/Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay