Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa Asmara ku dartay diwaanka goobaha astaanta u ah aathaartii hore ee dhaxalka aadanaha ee dunida. Waxaa magaalada wali ku yaalla dhismayaal qaddiimi ah oo uu dhisay Taliyaaniga intii uu gumeysanayay dalkaasi (1889-1941).

Unesco waxay sheegtay in Asmara ay tusaale u tahay xilligii casriyeynta ee qarnigii 20-aad. Mas’uuliyiinta Eritrea ayaa 2001 ku dhawaaqay in magaalada ay tahay taallo Qaran. Waxayna tan iyo markaasi olole ugu jireen in magaaldaasi ay hesho aqoonsi caaalmi ah.

Ilaa iyo 400 oo dhisme noocan oo kale oo casri ah ayaa ka badbaaday colaad toban sano socotay oo dhexmratay Itoobiya iyo Eritrea. Waxaa dhismayaashaasi ka mid ah Fiat Tiaglero oo ahaan jirtay kaalin shidaal oo loo dhisay sida diyaarad. Waxaa la dhisay 1938. Hadda waa dhisme maran.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.