Shabakadda wararka ee Shilaabo News wariyaha uga soo warama gudaha Ogadenya ayaa u soo gudbiyay warkan muhiimka ah oo shabakadda ay u qortay sidan;

Haarcad:(SHN)

Wararka aa ka helayno Magalada Haarcad, ee dalka Ogaadeniya ayaa sheegaya in Werer kadis ah oo mir ah lagu qaaday xaruun ay cidmada Wayanada, Tigreegu ku lahaayeen aaga Jexdin, JWXO ayaa wererkan qaaday ka dib markii bilihii uugu danbaysay ay Cidamada Wayanadu ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan agaga jexdin iyo Haarcad ay kala kulmeen dhibaatooyin fara badan oo isgu jira dil iyo dhac Dhulkan ku xeeran jexdin oo u dhaxeeya magaalooyinka Shilaabo iyo Haarcad ayaa noqday mid  laga xanibay dadka shacabka aha ee reer miyiga ah dhulkan oo ah mid ku wanaagsan Xaga daaqa, iyo baadka kale ee ay xooluhu u bahanyihiin ayaa ah, mid aan marnaba loo ogalayan in ay xoluhu galaan, iyga oo ay wayanadu ka cabsi qabto in JWXO, uugu soo gabato, dad fara badan oo shacaba ayay ku layeen cidamada wayanadu goobtan 10kii sano ee uugu danbaysay, Hadaba Xalay oo ay ahayad, bisha January,22keedii ayaay Cidmada Xorayanta Ogaadeniya ay werer ku qadeen Saldhigaas fidnada iyo dhibaatada ku hayay dadka Shacabka ah waxaana u suurta gashay Fadliga ilaahay, inay halkas kaga qaatan Cadawga Saanad huba iyo agaba kale oo ay hayasteen Wayanadu, gurmad ka soo baxay magaalooyinka Shilaabo iyo Haarcad ayaa isgana lagu baa’biyay, intii ayasan soo gaadhin goobta lagu qaaday Weerarka sida ay u xaqiijiyeen dad lagau kalsoonyahay oo ka dhawaa gobaha waxay sheegeen in halkaas cadawga lagaga dilay ilaa 18 askari dhawacuna uu ahaa mid intaas ka badan oo qaarkood ay meesha uuga cararaeen,

Geeljireyare/Shilaabonews

ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. maasha allah wax lagu farxo warkan run ahaanti wayaanadu dadka aad ayay u dhibeen guud dalka ahaan ogadenia gaar ahaan aagaga eegga tooshka lagu iffiyay ee haarcad jeexdin iyo shilaaabo ugu danbayntiii waxaan leeyahay geesiyaasha jwxo guulaysta garbkiina allaha ahaado

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay