Waxaan qaybihii hore kusoo sheegnay inuu gumaysiga riwaayado u alifo kuwa heshiiska kula ah gumaysiga Itobiya in aanay ka bixin shacabka Somalida Ogadenya gunnimada, oo sidaa ku qaataan gunnada la siiyo. Waxaan soo sheegnay inuu gumaysiga ogaaday inuu ku hungoobay kuwuu islahaa waxay kala diri doonaan xubnaha JWXO ee dibadda ka hawlgala, ka dib markay miisaaniyad badan kaga baxday. Qiimayntii sirdoonka iyo safaaradaha gumaysiga ee arimahaa ku hawlanaa waxaan soo sheegnay inay ku go’aamiyeen in qofka doonaya inuu la shaqeeyo gumaysiga uu kolka hore is-muujiyo si loo maalgaliyo.

Qaybtan waxaan faahfaahin kooban kaga bixin doonaa riwaayadaha loo alifo maamulka Jigjiga ee gumaysiga uga wakiilka ah adoonsiga umadeena iyo siday u jilaan iyo ujeedada uu gumaysiga ka leeyahay riwaayadahaa. Waxaad xasuusta ku darsataan in dalka Ogadenya uu soo maray dhowr iyo toban M/weyne oo intaba laga qaaday, la xidhay ama la dilay, waxaan ka ahayn Cabdi iley yahay oo noqday shaqsiga mudadii ugu badanayd u adeegayay gumaysiga Itobiya laga bilaabo Minilik ilaa Desaleen. Arintaa ma waxaa sabab u ah aqoon iyo waxqabad uu dheeryahay kuwii ka horeeya? Jawaabtu waa Maya. Ma waxaa sabab u ah karti uu dheeryahay kuwii ka horeeyay? Jawaabtu waa Haa. Waxaan qaybtan 4aad ku qiimayn doonaa Kartida uu dheer yahay Cabdi iley kuwii ka horeeyay ee maamulka Jigjiga mudada yar soo hayay ka dibna laga qaaday ama la xidhay. Iyo kartida uu dheeryahay Cabdi Iley kuwii ka horeeyay (taasoo ay qireen Dauud Axmaar iyo C/lahi Lugbuur oo ahaa kuwii soo saaray Cabdi iley) siduu gumaysiga uga faa’idaysatay. Ka dibna waxaan fiirin doonaa siyaabaha uu gumaysiga dacaayadda uga sameeyo adeegihiisa kartida badan suu ugu muuqdo shacabka aan wax ogayn inuu yahay qof danahooda ka shaqaynaya meeshuu ka noqon lahaa khaa’in umadiisa iyo wadankiisaba guuldarro la maagan.

Waxaan kusoo sheegnay Q2aad ee Riwaayadaha uu gumaysiga soo alifay tilmaamaha uu gumaysiga ku xusho adeegayaashiisa. Waxaa ka mid ahaa in Shaqsiga uu madaxa uga dhigayo bulshada uu dabaqad hoose ahaa oo isa soo muujiyay inuu fulin karo wixii laga doonayo. Dabaqadii hoose uu ku noolaa waxay ku abuureysaa inuu cuqdad u qaado bulshada una arko heerka uu gaadhay ee gumaysiga uu gaadhsiiyay in duulaan lagu yahay. Waxaa la mid ahaa tilmaamaha lagu xusho inuusan lahayn shaqsigaasi dhaqan/diin iyo asluub uu isku celiyo oo ka horjoogsan karta inuu fuliyo wuxuu doonayo gumaysiga. Qodobkan ayaa ugu muhiimsan, waana qodobka uu Cabdi iley ku guulaystay inuu bara dheeraado kuwii ku horeeyay tan iyo Minilik. Nin ay wada qayili jireen Cabdi iley oo markii dambe ku dambeeyey Jeel Ogaden ayaa markii loo magacaabayay Hogaanka Nabadgalyada wuxuu ku yidhi isaga joog meeshan waxaa lagu dhihi hebel ood garanayso soo dile. Wuxuu ugu jawaabay markii la’i yidhaahdo hebel soo dil waxaan soo dili hebel iyo hebel iyo hebel. Maalintaa ayaan ogaaday inay noo dhaamatay buu yidhi ninka laga soo wariyay hadalkan. Cabdi iley wuxuu buuxiyay dhamaan shuruudihii laga rabay in laga helo qofka la doonayo inuu laayo dadkiisa oo gumaysiga u adeego. Hadii kuwii ka horeeyey ay boqolkiiba in dhimi jireen, Cabdi iley wuxuu dhaafay 100kii dhobcood ee laga doonayay, ilaa heer uu gaadhay ay saraakiisha Itobiya ee jooga gobolka ku dacweeyeen Meles Zinawi inuu dadweynaha ka qabto ninkan. Jawaabtuu siiyay Meles saraakiisha waxay ahayd haduu idiin soo laynayo ilama adeeradii maxaad ka rabtaan. Nin siyaasi ah oo kasoo jeeda qawmiyadaha Itobiya oo dalka Ogadenya muddo ka shaqaynayay ka dibna dibadda ugasoo baxay oo ku biiray mucaaradka ayaa yidhi; ma hubtaan inuu Cabdi iley Somali yahay? Sababtoo ah intuu noolaa ma’aanu arkin siyaasigan Itobiyaanka ah qof Somali ah oo sidaa u laynaya dad maxas ah oo xoola dhaqato ama beeraley ah, iyagoon wax dambi ah ka galin dawladda ama wax dhibaata ah ku haynin. Lama odhan karo xasuuq kama dhicin Ogadenya wixii ka horeeyay Cabdi Iley, laakiin waxaa dhab ah oon laba ku murmaynin in xasuuqa ka dhacay Ogadenya iyo dhibaatada loo gaystay shacabka, welina socota, in aanay horey uga dhicin Ogadenya mid u dhiganta, iyadoo waliba gacmaha fulinaya yihiin wiilal iyo gabdho reeraha laga sii qaaday ka dibna loo tababary oo lagu amray inay laayaan dadkooda. Dhibaatada soo gaadhay shacabka waa mid si fiican looga dharagsan yahay oon u baahnayn kusoo celcelin, waxaana kaaga filan inaad dhagaysto labadan kasoo goostay Hawaarinta oo TV-yada Somalida lagu wareystay iyagoo ka sheekaynaya wixii la fari jiray iyo dhibaatada ay dadka shacabka u gaysteen.

( https://youtu.be/czC0PrjwZ-w ) ( https://youtu.be/4IHhWtVxkG0 ).

Waxaan soo sheegnay inuu Cabdi iley kuwii ka horeeyay dheeryahay Karti uu ku kasbaday in jagada loo daayo mudadii ugu badnayd ee shaqsi u dhasahay Ogadenya uu gumaysiga u adeego. Kartida uu dheeryahay ee gumaysiga uu ku siiyay dhibcaha ma mid uu dalka iyo dadweynaha wax ugu qabtaybaa? Qofkasta oo caqli leh hadii la weydiiyo su’aashaa, wuxuu ku jawaabi Maya balaadhan, isagoon xataa ogayn dhibataada uu Cabdi iley gaadhsiiyay shacabka. Sababtoo ah ayga lagu ugaadhsado (Hunting Dog) ee sida fiican usoo qabta ugaadha, dabcan ninka leh wuu amaani wuuna dhaqaalaysan, hasa ahaatee ugaadha halkaa ku nool wuxuu u yahay khaa’in kasoo horjeeda danta duurjoogta. Cabdi iley iyo kuwii ka horeeyayba waxay la mid yihiin ayda uu gumaysiga ku ogaadhsanayo, mid walbana intuu dadka laynayo oo uu soo qaqabanayo ayuu gumaysiga faa’iido u leeyahay, markuu intaa gabo sida loo dilo ama loo eryo ayga lagu ogaadhsado umbaa loo dili ama loo eryi.

Qodobkii ugu muhiimsanaa in aan yarehe faalayno ayaa noo dhimanaa oo ah habka uu gumaysiga u suuq gaynayo Eyga ugu fiican ugaadhsiga. Waxaanan kaga hadli doonaa haduu Eebe idmo qaybta ku xigta.

Xuseen Noor.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.