Dadaallada ay xubnaha xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen inay isbeddelo ugu sameeyaan barnaamijka daryeelka caafimaadka Mareykanka ayaa ee (Obamacare) oo burburay, kadib markii laba senator oo hor leh ay kasoo horjeesteen sharci uu soo bandhigay guddoomiyaha aqlabiyadda ee senate-ka Mitch McConnell.

Senator Jerry Moran oo laga soo doorto Gobolka Kansas iyo Mike Lee oo laga soo doorto Gobolka Utah, ayaa soo saaray laba qoraal oo kale duwan oo ay ku sheegeen inaysan u codeyn doonin sharcigan cusub ee ku saabsan dalyeelka caafimaadka, sababtuna ay tahay isaga oo aan wax badan ka baddaleynin sharciga hadda jira ee Obamacare.

Sidoo kale xubno kale oo Xisbiga Jamhuuriga katirsan, ayaa sharcigan uga soo horjeestay walaacyo ku saabsan inuu ceymiska canshuur u diidi doono malaayin qof oo hada haysta caymis caafimaad, gaar ahaanna uu dhimi doono qarashka ku baxa barnaamijka dadka saboolka ay ku helaan ceymiska caafimaad ee loo yaqaan Medicaid.

Waa markii labaad ee sharcigan uu guuldarreysto laba bilood gudahood, iyada oo bishii June ee lasoo dhaafay uu McConnell joojiyey in sharciga cod loo qaado kadib markii uu waayey taageero ku filan, taasi oo keentay inuu isbeddel kusoo sameeyo markale.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay