Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee lagumaysto ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Gobolka ee u adeega kooxda TPLF in dhawaalaba lagu arkayay dabeecad kaduwan midii looga bartay dadka wayaanaha u adeega.

Madaxa warfaafinta ee waxa loogu yeedho Kilalka Oromada oo warbaahinta afka gumaysiga kuhadasha lahadlayay ayaa sheegay in uu Gobolku Oromadu kujiro xaalad adag oo ay adagtahay in wax laga qabto hadii aan qorshe wayn lala imaanin.

Addisu Arage oo ah madaxa warfaafinta ee Gobolka Oromada ayaa intaas kudaray in xisbiga OPDO oo bahwadaag la ah xisbiga EPRDF uu kumashquulay kuna daalay xalinta khilaafka udhaxeeya dowlada iyo shacabka Oromada, wuxuuna Addisu Arage intaas kudaray in loobaahan yahay qorshe wayn oo xaalada Gobolka iyo guud ahaan wadanka wax looga qabanayo.

Ninkan u hadlay waxa loogu yeedho Kilalka Oromada ayaa sheegay in ay istaageen dhamaan adeegyadii dadwaynaha sida Iskooladii Xarumihii caafimaadka iyo socodkii gaadiidka, isla markaana uusan jirin wax xafiis dowladeed ah oo sifiican ushaqeeya.

Addisu Arage ayaa intaas kudaray in ay wadahadal kula jiraan wax garadka qoomiyada Oromada, ayna rajaynayaan in uu midho dhali doono wadahadalka ay kula jiraan hogaanka shacabka Oromia.

Dhinaca kale dadwaynaha kacdoon wadayaasha ah ee kasoo horjeeda taliska wayaanaha ayaa beeniyay in ay wadahadal kula jiraan xisbi kusheega OPDO iyo guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Arintan ayaa ah mid aan gumaysiga iyo kuwa u adeega horaan looga baranin, waxaana arintan lagu macneeyay jileeca iyo wal walka soo foodsaaray gumaysiga iyo kuwa u adeegaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay