Is-rasaasayn iyo Toogasho ka dhacday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio oo ay ku luglahaayeen laba nin ayaa lagu diley laba wiil oo Soomaali ah halka laba kalena ay dhaawac yihiin.

Booliska magaalada Columbus ayaa sheegaya in labada qof ee la diley magacyadoodu ay kala yihiin Cabdulqaadir Jaamac iyo Maxamed Cali Maxamed, waxaana dhaawacmey laba qof oo kale oo Soomaali ah oo goobta toogashadu ka dhacday ku sugnaa.

Dilkan ayaa dhacay saddexdii maalmood ee u danbeysey sida Boolisku sheegeen. Labada qof ee dhaawaca ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muxidiin Xaaji iyo Cumar Maxamed Cumar.

Booliska ayaa dilka ku eedeeyey laba nin kuwaas oo ay magacyadooda baahiyeen waxaana ay sheegeen in ay yihiin niman khatar ah oo hubeysan. Dhalinyarada Soomaalida ee Ohio ayaa muddooyinkii danbe waxaa dhexdooda ku badanayey rabshadaha iyo dilalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay