Afhayeenkii Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa shalay ku dhawaaqey in uu xilkiisii iska casiley. Is casilaadiisa Mr. Spicer ayaa timid kadib markii Donald Trump, Madaxwaynaha Maraykanka u magacaabey Anthony Scaramucci in uu noqda madaxa xidhiidhka Aqalka Cad, taas oo Spicer ku tilmaamey khalad uu galay Trump.

Mr. Spicer ayaa sheegay in Trump uu doonayo in aanu is casilin ee uu lasii joogo, laakiin waa wakhti sax ah in aan is-casilo ayuu yidhi. Sida laga soo xiganayo Joornaalka caanka ah ee New York Times Donald Trump ayaa Sean Spicer ka codsadey in uu kasii mid ahaado maamulkiisa, laakiin wuxuu u sheegay in magacaabistii Scaramucci ay ahayd khalad weyn oo uu galay.

Sean Spicer ayaa xidhiidhka uu lalalahaa saxaafadda Maraykanka ay ahayd mid aad u xun gaar ahaan kuwa Madaxweynuhu ugu yeedho Fake News, waxaana lagu xusuusta sida loogu shactireysan jirey Barnaamijka maaweelada habeenkii ee SNL.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay