Sida intiinii boga ONA ku taxnayd aan idiin soo gudbinayba dowlada boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay wadankeeda ka musaafurin doonto 750 kun oo qoxooti Itoobiyaan ah oo si sharci daro ah kujooga wadanka Sucuudiga.

Dowlada Sucuudiga ayaa safaarada Wayaanaha ee wadanka Sucuudiga ku war galisay in ay keento qorshe dalka lagaga saari karo dadkan kumaan kumka ah ee sida aan sharciga ahayn kujooga wadanka Sucuudiga, waxayna safaarada wayaanuhu bilowday qorshe ay dadka kaga dalbanayso in ay isasoo diiwaan galiyaan si wadankii loogu celiyo.

Hese yeeshee dadka shacabka ah ee kusugan wadanka Sucuudiga oo dhibaatooyin badan kala soo kulmay wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa ku gacan saydhay soojeedinta safaarada wayaanaha, waxayna dadka qoxootiga ah sheegeen in ay dhimashadu dhaanto kunoqoshada Itoobiya.

Sidoo kale saraakiisha socdaalka ee wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa mudo 90 cisho ah uqabtay in ay safaarada wayaanuhu dadka kusoo diiwaan galiso, waxaana gabaabsi kusii dhaw mudadii ay dowlada Sucuudigu qabsatay.

Hase yeeshee safaarada wayaanaha ayaa sheegtay in ay iska diiwaan galiyeen 40 kun oo kaliya halka 710 kun oo kalana ay diideen soojeedinta safaarada, dadka diiday soojeedinta safaarada ayaa ku andacoonaya in ay lakulmi doonaan dil, jidh-dil iyo cadaadis kale, waana sababtii ay wadanka ugasoo baxeen.

Dhinaca kale dadkii yaraa ee ogolaaday in ay noqdaan ayaa lasheegayaa in laga dhacay woxoogaa lacag ah oo looga soo uruuriyay ganacsatada Itoobiyaanka ah waxaana lasheegayaa in ay kutabaalaysan yihiin magaalada Addis Ababa iyo deegaanadii ay udhasheen.

Dowlada Sucuudiga ayaan la ogayn talaabada ay qaadi doonto kadib markay dhamaato mudada ay qabsatay waxaana laga baqayaa in ay dadka shacabka ah soo gaadho dhibaato badan oo uga imaan doonta dowlada Sucuudiga iyo taliska wayaanaha labadaba.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa ah shacabka ugu qixitaanka badan wadamada Africa, waxaana shacabka wadankaas lagu arkayaa wadamada Somalia iyo Yeman oo ah wadamo burburay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay