Wasiirada ka socda Midawga Yurub (EU) iyo Midawga Afrika (AU) ayaa shir ku yeelanaya Tunis, qorshaha shirka ayaa ah sidii nidaam loogu samayn lahaa qaxootiga ka imaanaya qaarada Afrika, iyo sidii adhaxda looga jebin lahaa kuwa soo tahriibiya dadka.

Hindisaha shirka waxaa iska lahayd Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey u qaabilsan ee UNCHR, taas oo ka digtay dedaalada Midowga Yurub ay wadaan ee ku aadan tababarida ilaalada xeebaha dalka Libya, taas oo noqotey mid aan xal u ahayn ka hortaga qul-qulka qaxootiga.

Ilaalada xeebaha Libya ayaa noqdey kuwo aan la isku haleyn karin oo xidhiidh dhaw la sameeyey kuwa wax tahriibiya. Dalka Talyaaniga ayaa noqdey midka ay ku dhacdey musiibada ugu daran ee ka timid qaxootiga aan kala joogsiga lahayn ee ka imaanaya Afrika.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay