War goordhaw kusoo dhacay qaybta warqabadka ee Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya in 13 kamid ahaa ciidanka wayaanaha ooisu dhiibay ciidamada Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj.

Sida xogta aan kuhelayno unugtan ciidanka wayaanaha katirsanayd ee is dhiibtay ayaa kahowl galaysay woqooyiga Gobolka Axmaarada halkaas oo sida lasheegayo ay u cuntami wayday sida ina gumeed nimada ah ee ciidanka wayaanuhu ula dhaqmayo shacabka deegaanadaas ku dhaqan.

Ciidankan soo goostay oo sinabad ah kusoo gaadhay xarumaha Jabhada Gimbot 7 ayaa lasheegayaa in ay wateen 2 Raadiye oo kuwa ciidamadu ay kuwada xidhiidhaan ah iyo 2 qori oo nooca PKM ka looyaqaano ah, sidoo kale ciidankan ayaa watay 11 qori oo uu kujiro 1 qori oo nooca Saneefarka looyaqaano ah.

Sidoo kale ragan soo goostay oo aad usoo tabaabushaystay ayaa lasheegayaa in ay wateen rasaas aad ubadan iyo waliba dhowr xabo oo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo bambo qacmeedyo badan, waxaana lagu sheegay hubka ay wateen mid tayo leh.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka wayaanaha kasoo goosatay ayaa warbaahinta usheegay in ay u adkaysan waayeen nooca duli nimada iyo cadawnimada ah ee loola dhaqmo dadka shacabka ah ee kudhaqan Gobolka Axmaarada iyo guud ahaan wadanka.

Sidoo kale sargaalkan ayaa ciidamada wayaanaha ugu baaqay in ay kawaan toobaan gumaadka shacabka isla markaana iskaga soo tagaan taliska wayaanaha ee ugu adeegta sida faasaska.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa sanadadii ugu dambeeyayba ahaa tusbax afka laga furay waxaana la arkayay ciidanka wayaanaha oo raxan raxan ugu biiraya jabhadaha hubaysan iyo shacabka kacdoon wadayaasha ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay