Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay sharciga la dagaalanka Musuq –maasuqa, kaasoo horay ugu soo gudbisay wasaaradda Cadaalada.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa Golaha shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Kahor inta uusan ka gudbin sharcigan Akhritiisii 1aad ayaa waxaa ka hor yimid, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka ay soo jeediyeen in dib loogu celiyo wasaaradda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa soo jeediyay in sharcigan dib loogu celiyo wasaaradda, maadaama qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin, sidaas darteed dib loogu celiyo Wasaaradda, si loo soo dhameystiro

Guddoomiye kuxigenka 2aad ee baarlamaanka yaa u akhriyay xildhibaanada qodobada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay inay ka soo muuqdaan hindise sharciyeedkan la horkeenay Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka  C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in sharcigan la dagaalanka musuq maasuqa uu u baahan yahay qodobo ka maqan, isla markaana dib loogu celiyay Wasaaradda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay