Wararka naga soo gaadhaya gobolka Goji ee Shucuubta Koonfureed ayaa sheegaya in xiisad colaadeed halkaas ay kajirtay baryihii lasoo dhaafay, sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa udhaxaysa labo qoomiyadood oo oodwadaag ah kuwaas oo wada daga gobolka Goji.

Xiisadan oo gaadhay gacan kahadal ayaa lasheegayaa in ay udhaxayso laba qoomiyadood oo halkaas wada daga Sidamo iyo Walayto kuwaas mudo dheer ahaa daris daaqa iyo deegaantaba wada cuna, waxaana lasheegayaa in ay xaaladu gaadhay meel adag.

Xiisa ayaa lasheegayaa in ay hurinteeda iyo hulaaqin teedaba lahaayeen ciidamada wayaanaha ee kusugan deegaankaas iyo nacamle yaasha u adeega wayaanah ee udhashay qoomiyada is haya.

Sida aan lawada socono taliska wayaanaha ayaa sanadihii ugu dambeeyay mashquul ku ahaa isku dirka qoomiyadaha oodwadaagta ah waxaana laxasuusan yahay dagaaladii khasaaraha badan dhaliyay ee dhex maray qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada kuwaas oo uu kadambeeyay taliska wayaanuhu.

Sidoo kale dagaalo aad uculus ayaa dhex maray qoomiyadaha Oromada iyo Canfarta, Axmaarada iyo Gambeellaha, Oromada iyo Shucuubta koonfureed iyo waliba Tigreega iyo Axmaarada, waxayna dagaaladu dhaceen kadib markay sitoos ah u huriyeen maamul kusheegyada Gobolada iyo taliska guud ee wayaanuhu.

Sikastaba ha ahaatee xiisadan ka aloosan gobolka Goji ayaan la ogayn halka ay ku dambayn doonto iyo khasaaraha ay dhalin doonta toona, balse waxaa colaadan sheeda kala socda taliska wayaanaha oo dhoosha ka qoslaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay