Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo maalmahan socdaal ku marayay dalalka Khaliijka ayaa kulan dheer la qaatay Amiirka dalka Qatar.

Racep Erdogan iyo Amiirka dowladda Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa arimo muhiim ah kawada hadlay. Erdogan ayaa horey usoo maray dalalka Sacuudiga iyo Kuwait oo wada dhex dhexaadinta dalalka Khaliijka.

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay dooneyso inay ka qeyb qaadato xalinta xiisada ka dhex taagan dalka Qatar oo ay xulafo yihiin iyo wadamada kale ee Khaliijka sida Sacuudiga iyo Imaaraatiga. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay qabtaan shirka fool ka fool ah oo ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha Qatar iyo Sacuudiga.

Amiirka Qatar iyo Erdogan ayaa si wadajir ah u taageeray wadahadalkii uu horey u waday Amiirka Kuwait, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka sii kala fogeeyey wadamada khaliijka. Dadaalka uu wado Erdogan ayaan rajo weyn laga qabin inuu miro dhalo maadaama Sacuudiga uu u arko Erdogan inuu kamid yahay dalalka sida tooska ah taageerada u siiyey Qatar kadib markii ay xayiraada dul dhigeen.

Sacuudiga ayaa sidoo kale kasoo horjeeda Xerada ciidan ee uu Turkiga ka sameystay dalka Qatar, qodobkaasi oo kamid ahaa shuruudihii xulafada Sacuudiga ay ku xireen Qatar inay dib uga noqoto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay