Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenya gaar ahaana magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo ayaa waxay sheegayaan in gaadhi ay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay xoog ku gidhaash teen uu ku rog maday inta u dhaxaysa Qamuuda iyo Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo.

Gaadhi ayaa waxaa ku bakhtiday askar badan oo kamid ahaa kuwii gumaysiga waxaa sidoo kale ku dhaawac tiro intaasi ka badan gaadhigan ayaa ka bad baaday oo kaliya dirawalkii waday waxayna wararku intaas ku darayaan in dirawalkii xabsiga loo taxaabay oo uu xidhan yahay asagoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.

Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxay si xooga ku kaxaystaan gawaadhida ay dadka shacabka lee yihiin ayagoo ku aado meelo fog fog waxayna kamid tahay dhibaatooyinka baahsan ee ay ku hayaan shacabka masaakiinta ah ee somalida Ogadenya.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay