Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenya gaar ahaan magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xidh xidheen gobolka jarar gaar ahaana magaalada dhagaxbuur iyo birqod.

Dadkan shacabka ah ee lagu xidh xidhay magaalada dhagax buur qaar kamida waxaa nasoo gaadhay magacyadooda waxaana kamid ah.
1:Mohamed Xaamud.
2:Qorane Caydiid.
3:Xuseen Caydiid.
4:Saxane sheekh yuusuf.
5:Ruun cismaan saxane.
6:Sahra ibraahim.

Waxaa sidoo kale lagu xidh xidhay magaalada birqod oo kamida gobolka jarar dad shacab ah oo aan waxba galabsan waxaana nasoo gaadhay qaar kamida magacyadooda.
1: Maydhan Mohamud daahir sayid mohamud.
2: Rashiid Mohamud Daahie sayid Mohamud.
3: Bashiir Mohamed Faarax Ayax.
Dadkan shacabka ah ayaa aad loo jidh dilay waxaana ilaa iyo haatan la ogayn meesha ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya aya waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan shacabka Ogadenya waxaana kasii daraya xaalada nololeed ee shacabka Ogadenya marba marka kasii danbaysa.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay