Taliyaha ciidanka nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbalooshe ayaa la hadley warbaahinta dowladda waxaana uu faah-faahin ka bixiyey dagaal maanta ka dhacay Muqdisho oo ku dhex marey laba ciidan oo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ku geeriyoodey askar gaareysa ilaa saddex inkasta oo wararka qaar sheegayaan in tirada dhimashadu ay tahay shan askeri.

Sanbalooshe ayaa ku tilmaamey in ay tahay shil dowladda dhexdeeda, kaas oo ka dhex dhacay ciidan, ciidanka xasilinta iyo kuwa Madaxtooyada.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in ay guddi madaxbanaan u saarayaan shilkan ciidamada halka talis leh ay isaga hor yimaadeen.

Marar badan ayaa ciidamo kawada trirsan kuwa dowladdu iska hor imaad ka dhacay, laakiin kan maanta ayaa ka duwan, waxaana uu ku dhacay kala shakin.
Audio Player
00:54

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay