Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa kala qaybsanaantii kooxda dhiiga shacabka kunaaxday ee TPLF oo cirka isku shareertay bilihii ugu dambeeyay.

Sida intiinii boga ONA kutaxnayd aan usoo gudbinay waxaa 2 bari kahor magaalada Addis Ababa lagu xidh xidhay 34 qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato caan ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Arintan saraakiisha lagu xidh xidhay ayaa kadambaysay kadib markay isqabteen taliyaha ciidamada milatariga Genarel Samore Yonis iyo taliyaha ciidanka sirdoonka wayaanaha Genarel Getachew Asafa oo labaduba kasoo jeeda qoomiyada talada wadanka islahaysiisay ee Tigreega.

Isku dhaca labada Janaraal ayaa keentay in ay kooxda TPLF lakala safato waxaana lasheegayaa in ay kooxdu uqaybsan tahay 2 garab oo sida muuqata aan isu turaynin, isla markaana uu midba midka kale dabo gaynayo.

Janaraal Getachew Asafe oo ah nin saamayn wayn kuleh kooxda dhexdeeda ayaa amar kubixiyay in lasoo qaqabto 34ta qof ee laxidhay kuwaas oo dhamaantood lagu tuhun sanyahay in ay isu dhadhaw yihiin Janaraal Samore.

Arintan ayaa timid xili uu Janaraal Samore Yonis bilaabay handadaad uu kuhayo siyaasiyiinta garabka kale ah, isagoo qaar kamid ah saraakiisha ku eedeeyay in ay hanti umadeed cuneen loona maahan yahay in maxkamad lasaaro.

Arintan ayaa lagu wadaa in ay soo dadajiso cimrigii kooxda uheshiisay dhibaataynta shacabka ee TPLF, waxayna arintu umuuqataa mid maalinba maalinta kadambaysa kasii daraysa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay