Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gacanta Gumaysiga kujira ee Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo aad ubadan oo ciidanka wayaanuhu ugaysteen shacabka kudhaqan wadanka Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa faahfaahin kabixinaya tacadiyadii ugu dambeeyay ee kadhaca Ogadenia waxayna udhaceen sidan.

21/7/17 Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar waxay ciidanka wayaanuhu ku xidheen 3 qof oo shacab ah waxaana magaceeda helay gabadha lagu magacaabo Xaliimo Cabdi Mataan.

22/7/17 Dagmada Jigjiga waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen Cabdikaafi Miyir.

23/7/17 Karinbilcile oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen Nimco Dakhare.

23/7/17 Nusdariiq oo Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidh xidheen 20 oday oo shacab ah, kuwaas oo diiday amaro qalafsan oo kasoo baxay maamul kusheega Gobolka.

24/7/17 Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob waxaa lagu xidh xidhay laguna jidh dilay 3 gabdhood oo shacab ah oo magacyadooda aanaan helin.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay