War dag dag ah oo hada naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya qarax lala eegtay mid kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Gobolka uu qaska iyo qalalaasuhu kajiro ee Oromia.

Sida xogta aan kuhelayno dablay kuhubaysan bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa weerar kuqaaday guriga duqa magaalada Jima ee dhulka Oromia, warka ayaa intaas kudaraya in guud ahaan gurigii laweeraray uu burburay isla markaana khasaare aad ubadan uu halkaas kadhashay. Lama hubo in sargaalkii laweeraray uu dhintay ama dhaawacmay balse waxaa larumaysan yahay in uu halkaas kadhashay khasaare aad ubadan oo burbur hantiyeed iyo khasaare nafeedba leh.

Ninka laweeraray oo udhashay qoomiyada Oromada ayaa ahaa shakhsiyaadka sida wayn ugu adeega kooxda TPLF, waxaana larumaysan yahay in ay jiraan dadbadan oo deegaanka udhashay oo sababtiisa udhintay. Dhalinta magaalada Jima ayaa horaanba ushaaciyay in ay dili doonaan duqa magaalada Jima oo ah ninka ay ka hadhsan waayeen ee qandaraaska kusoo qaatay.

Dhinaca kale mudaharaado aad uwaawayn ayaa maalin nimadii shalay hadheeyay magaalada Ambo oo ah goobtii uu kabilowday mudaharaadka Gobolka Oromia, waxaana lasheegayaa in ay kacdoon wadayaashu xidheen dhamaan wadooyinka magaalada soogala ama kabaxa. Warka ayaa intaas kudaraya in ay dadwaynuhu gubeen baabuur badan oo kuwa shaqaalaha iyo ciidamada wayaanuhu ay adeegsadaan ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay