Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay markii labaad tijaabisay gantaal dheereeya oo ah kuwa isaga kala goosha qaaradaha.

Gantaalkaasi ayaa in kabadan 3000 oo kilomitir hawada ku jiray muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta uusan ku hooban xeebta dalka Japan. Balse Ruushka ayaan qiimeyntaasi ku raacsanayn Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna sheegayaa in gantaalkaasi uu ahaa mid heer dhexe ah.

Kal hore bishan ayaa Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay gantaalkeedii ugu horreeyay ee ah kuwa qaaradaha isaga goosha, arrintaa oo ka dhignayd horumar dhanka barnaamijka hubka ee Pyongyang.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sii wadda tijaabada gantaaladeeda xitaa iyaga oo lagu sii dhuujinaya xayiraadaha Qaramada Midoobey (QM) iyo cambaareynta uga imaaneysa beesha caalamka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay