Nin qofka ku dilay mindi (Toori) lixda kalena ku dhaawacay tukaanka ku yaala magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa boolisku sheegeen in uu ahaa “Islaami xag jir ah”.

Ninkan weerarka qaaday ayaa la sheegay in loo diiday magangelyadii uu dalbaday, waxaanu u dhashay dalka Imaaradka Carabta. Jimcihii ayaanu dad macmiila oo tukaankaa wax ka iibsanayey la dhex qaaday toorray.

Boolisku waxay sheegeen in uu falkaa keli ku haa oo markii dambena ay dad shacaba oo goobta joogay iskugu tageen oo qabteen. Waa 26 jir waxaanu qabay xanuunnada maskaxda ku dhaca sida ay saraakiil shir jaraa’id ka hadashay sheegeen.

Boolisku waxay ammaaneen saddexda nin ee ku dhiiraday ninkaas toorrayda sitay in ay qabtaan oo ay ku sheegeen geesiyaal. Dad goob joog ahaa ayaa iyaguna sheegay in dadkii shacabka ahaa ee goobta joogay qaarkood Af-Carabi kula hadleen oo iyagoo qaylinaya ninka ku lahaayeen midida dhig.

Haweeney 50 jir ah iyo afar nin oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 64 ayaa uu toorrida la dhacay, nin kale oo 35 jir ahna isagoo qof dhaawacmay qaad is leh ayuu isagan dhaawacay ninka dadka weeraray.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay