Waxaa wali halkiisii kasii socda isminja xaabintii kooxda dhiiga shacabka kaganacsato ee TPLF, waxayna xaaladu gaadhay in midba midka uu fursad uhelo xidho isaga oo ku eedaynaya in uu kadambeeyo dhibaatada kajirta wadanka.

Sida intiinii ku taxnayd boga ONA aan lasocod siinay waxaa dabayaaqadii todobaadkii tagay xabsiga ladhigay 34 isugu jira saraakiil sarsare iyo ganacsato caan ah kuwaas oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay dhaceen hanti umadeed oo aad ubadan.

Tirada dadka loohaysto musuqa ee ilaa iyo hada laxidh xidhay ayaa gaadhaysa 44 qof oo saraakiil xilal haysa ubadan waxaana lasheegayaa in ay dhamaantood yihiin xukun sugayaal, waxayna arintu umuuqataa in dad kale oo badan xabsiyada lasoo dhigi doono todobaadada soosocda.

Xubnahan saraakiisha ah ee laxidh xidhay ayaa dhamaantood ah garab kamid ah kooxda TPLF oo uu hogaamiyo taliyaha ciidamada gumaysiga Itoobiya Janaraal Samore Yonis oo kamid ah shakhsiyaadka ugu awooda badan kooxda TPLF iyo guud ahaa saraakiisha Gumaysiga.

Dadka xabsiga ladhigaya ayaa lasheegayaa in ay kujirto haweenayda udhaxda wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee Itoobiya Abay Sahay oo hadana ku eedaysan in uu dhacay 800 oo milyan oo bir oo uu kadhacay markii loomagacaabay maareeyaha warshadaha, Abay Sahay ayaa mar ahaa mid kamid ah xubnaha ugu awooda badan kooxda TPLF waxaana baalashii laga rifay kadib bakhtigii saaxiibkii Malis Zinawi.

salam Kabadhe oo ah haweenayda Abay Sahay ayaa lagu eedeeyay in ay uruursatay hanti aad ubadan oo dadwaynuhu ay leeyihiin, waxayna kamid tahay shakhsiyaadka farta lagu fiiqayo ee xukun sugayaasha ah.

Garabka Janaraal Samore Yonis ayaa umuuqda in loo xoog sheegtay kadib markuu garabka kale ee Ganaraal Getachew Asafe lasoo baxay xeelado cusub oo ay kubartilmaameed sanayaan garabka ay is hayaan.

Sikastaba ha ahaatee khilaafka kooxda TPLF ayaa hada gaadhay meel adag waxayna kooxba kooxda kale ku eedaynaysaa in ay sharciga jabisay isla markaana ay hantida shacabka boobtay, hase yeeshee arinta ayaa ah labadii sir uheshiisa caadbay ucoloobaan, waxayna kooxdu mudo dheer heshii ku ahayd in ay dhiiga shacabka wada cabaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay