Jaaliyada Ogadenya ee wadanka koonfur afriaca faraca Port Elizabeth ayaa waxay isugu yimaadeen kulan koodii caadiga ahaa waxaaana kasoo qayb galay dhamaan xubnaha faraca oo dhan shirka ayaa waxaa lagu fur furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariim ka ah.

Shir ayaa waxaa lagusoo bandhigay hawlihii u qabsoomay maamulka iyo wax yaalaha miiska u saaran ee u baahan in la dhamaystiro waxaana war bixin dhinacyo taaba haysa ka jeediyay madasha shirka gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Abdi taajir waxaa kale shirka warbixin dheer ka jeediyay Xildhibaan xamdi oo kamida masuuliyiinta jabhada wadaniga xoraynta Ogadenya.

Wuxuuna ka war bixiyay marxalada halganka Ogadenya iyo guulaha la taaban karo ee uu gaadhay halganka JWXO mudadii dheerayd ee hardanka kula jiray gumaysiga madaw ee Abysinia.

Shirka ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay qaar kamida xubnihii shirka kaso qayb galay waxayna shacabka Ogadenya kula dar daarmeen inay gumaysiga gabalkiisu dhacay laga takhaluso ayna meel qudha uga soo wada jeed sadaan.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kuso dhamaaday guul.

Mintid Midnimo iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/Port Elizapeth.

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay