Waxaa lagu soo gabagabeeyay Shir  muddo 5 maalmood ka socoday magaalaada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay  dhamaan laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa Amisom, waxaana  diiradda lagu saarayay sidii dowladda federaalku ay sugida amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamadda Amisom

Qodobadii gabagagabadii shirka laga soo saaray waxaa kamid ahaa horumarinta amniga dalka, tababaridda iyo qalabaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amni ee dalka marka ay baxayaan ciidamada Midowga Africa.

Wasiirka Gaashaan Dhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max’ed oo faah faahiyay  ujeedada shirkaasi iyo waxyaabihii looga hadlay wuxuu  sheegay in askarigii ugu horeeyey ee Amisom ah la qorsheynayo in uu dalka ka baxo dhamaadka 2018 islamarkaana si tartiib tartiib ay ay dalka uga bixidoonaan ayadoo amaanka ay si buuxda ula wareegidoonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjire Farncisco Madeira Caetana oo madax howlgalka Amisom ee Soomaaliya, oo dhiniciisa ka hadlay shirka wuxuu sheegay in shaqada ciidamadda Amisom ee Soomaaliya ay tahay taageerida dowladda federaalka Soomaaliya, si loo yareeyo khatar ururka Al-sjabaab

Shirkan oo lagu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho ayaa daba socda shirar horey uga dhacay magalaaada London ee dalka UK iyo magalaaad Muqdisho oo waxyaabihii looga hadlayay ay kamid ahaayeen sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo isku-dhaf ah, tayadooda kor loogu qaadi lahaa, si ay u xaqiijinyaa amaanka dalkooda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay